La taliyihii dhanka amniga ee madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa gebi ahaanba iska casiley xilkii uu ka hayay wadanka Maraykanka, kadib khilaafaad soo jiitamayay in muda ah.
John Bolton oo ahaa la taliyaha Trump ee dhanka amniga ayaa lagu wargeliyay inuu isaga tago shaqada uu ka hayay Aqalka Cad ee Maraykanka, waxaana qoraal bartiisa twitterka uu Trump ku sheegay arinkaas.
“Waxaan xalay u sheegay John Bolton inaanhowshiisa laga rabin Aqalka Cad ee Maraykanka, lana gaaray waqtigii ugu haboonaa ee uu s casili lahaa” ayuu ku yiri Trump qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka.
John Bolton oo 70 sano jir ah ayaa isagana qoraal u muuqday mid uu ugu jawaabayo Trump, wuxuu soo dhigay bartiisa twitterka, isagoona sheegay in is casilaada uu isagu codsaday, islamarkaana uu madaxweynuhu ka aqbalay.
Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa sheegay in Trump uu isagu usoo jeediyay Bolton inuu is casilo, waxaana is casilaadiisa ay timid khilaafaad in muda ah soo jiitamayay oo labada nin u dhexeeyay.
John Bolton ayaa lagu sheegaa inuu yahay dejiyaha siyaasadihii ugu dambeeay ee uu qaatay Trump, waana nin xagjir ah oo ay ku fogtahay neceybka uu u qabo Muslimiinta.
Waa la taliyihii saddexaad ee dhanka amniga oo uu Donald Trump casilo tan iyo inta uu la wareegay talada guriga looga taliyo Maraykanka, waxayna tani markale banaanka soo dhigeysaa qallafsanaanta Madaxweynaha, sida ay sheegyaaan Siyaasiyiin dhaleeceeya.