Kamiin culus ayaa ciidamo katirsan milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay u dhigeen askar katirsan maamulka Jubbaland ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe.
Kamiinka ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Qaam-qaam oo dhaca duleedka magaalada Kismaayo, waxaana uu ahaa mid aad u culus oo khasaare gaarsiiyay ciidamada maamulka Jubbaland.
Inta haatan la xaqiijiyay waxaa Askarta Jubbaland laga dilay 8 askari, kuwaas oo meydadkooda lagu arkay halkii lagu dagaallamay.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa furtay hubkii ay wateen dhamaan askarta la dilay, oo gaaraya 8 qori iyo booshashkooda.
Xarakada Mujaahidiiinta Al-Shabaab ayaa sii kordhisay weerarada ay ku beegsaneyso ciidamada Shisheeyaha iyo Soomaalida la shaqeysa, waxaana goobaha ay ka joogaan wadanka ka dhacaya howlgallo joogta ah.