Waxaa sii kordhay khasaaraha ka dhashey weerarkii weynaa ee dhawaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen xero ay ciidamada dowladda ku lahaayeen deegaanka Ceel Saliini oo u dhow magaalada Marko.
Ciidamo katirsan dowladda oo soo gaaray halkii lagu dagaallamay ayaa heley meydad horleh oo gaaraya illaa iyo 12 askari, kuwaas oo iyagoo dhaawacyo ah u firxaday meelo ka baxsan halkii lagu dagaallamay.
Ciidamada meydadkooda la helay ayaa lagu aasay xerada Iskool Bulisiyo ee magaalada Muqdisho.
Arintan ayaa kusoo aaday iyadoo maalintii shalay maktabka Warfaafinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab baahiyay sawirro laga soo qaaday dagaalka Ceel Saliini.
Hoos Ka dhagayso Wariye Cabdi-Samad Cabdullaahi oo ka waramaya Sawirrada uu baahiyay maktabka Warfaafinta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Halkan ka dhagyaso Maktabka Warfaafinta Mujaahidiinta oo baahiyay Sawirrada Weerarkii Ceel Saliini