HomeAll newsKacdoonno Waaweyn oo ka billowday Masar.

Kacdoonno Waaweyn oo ka billowday Masar.

Kumanaan ruux oo katirsn qeybaha kala duwan ee shacabka Masar ayaa isugu soo baxay fagaarayaal waaweyn oo ku yaala qeybo badan oo katirsan wadanka Masar, kuwaas oo dhigaya banaanbaxyo ka dhan ah Siisi.

Dadka ugu badan waxay isugu soo baxeen magaalada Al-Qaahira ee caasimadda wadanka Masar, waxaana dadku ku guuleysteen sanado kadib iney tagaan fagaaraha At-taxriir ee ku yaala bartamaha magaalada caasimadda ah.

Waxay ku qeylinayaan halkudhigyo ka dhan ah madaxweynaha maamulka Afgembiga Masar Cabdil-fataax As-siisi, iyagoo ka dalbaday inuu xilka isaga dego.

Ciidamada Amaanka ayaa isku dayaya iney ka hortagaan banaanbaxyada, islamarkaana kala eryaan, balse weli way ku guuelysanyihiin arinkaas, dadkuna waxay u muuqdaan kuwa marba marka ka dambeysa tiradoodu soo badaneyso.

Al-Iskandariyah, Dimyaadh iyo meelo kale oo lamid ah ayay sidoo kale banaanbaxyada ka dhacayaan, welina majiro wax war rasmi ah oo kasoo baxay nidaamka uu hogaamiyo Siisi.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular