Wararka ka imaanaya dhulka Xarameynka ayaa ku waramaya in la dilay istaafkii gaarka ahaa ee boqor Salmaan bin Cabdil-Caziiz.
Cabdil-Caziiz Al-faqmi oo ahaa sarkaalkii u xilsaarnaa ilaalinta iyo waardiyeynta boqor Salmaan ayaa la sheegay in lagu dilay guri uu lahaa nin ay saaxiibo ahaayeen.
Sida ay sheegtay wakaaladda wararka u faafisa maamulka Aala-sucuud, waxaa dilka sarkaalka geystay nin kale oo ay saaxiibo ahaayeen, kadib markii uu soo kala dhexgalay muran iyo khilaafadaad shakhsiyadeed.
Ciidamada Ammaanka maamulka Aala-Sucuud oo guriga lagu dilay sarkaalka ahna istaafkii Salmaan bin Cabdil-Caziiz ayaa rasaas ooda uga qaaday qofka dilka geystay, isagoo ugu dambeyn halkaas lagu dilay.
Sarkaalka la dilay ayaa aad ugu dhawaa boqorka Aala-Sucuud, waxaana marar badan uu warbaahinta kasoo muuqday isagoo dhabarka ka taagan.