HomeAll newsInkabadan kun Ruux oo kuleyl dartii ugu dhintay Faransiiska.

Inkabadan kun Ruux oo kuleyl dartii ugu dhintay Faransiiska.

Wasaaradda caafimaadka ee dowladda Faransiiska ayaa shaaca ka qaaday in bilihii lasoo dhaafay wadanka Faransiiska uu ka jiray kuleyl daran, oo sababay dhimashada dad aad u badan oo Faransiis ah.

Agnez oo ah wasiiradda caafimaadka ee dalka Faransiiska ayaa waraysi ay bixisay waxay ku sheegtay in 1435 ruux ay sanadkan wadanka Faransiiska ugu dhinteen kuleyl dartii, waxayna intaa ku dartay in dadka ugu badan ay da’dooda ka weyntahay 70 sano.

Waxay wasiiradu sheegtay in dowladdu ay qaaday tallaabooyin dhowr ah oo isku dayo ah, si loo yareeyo dadka kuleylka dartii uu la’anaya.

Cabirka heer kulka ayaa gaaray halkii ugu sarreysay marka loo eego sanadihii tagay, waxaana lagu sheegay inuu gaaray 46  centegrate.

Beeraha Nasiinnada iyo goobaha lagu dalxiiso ayaa albaabada loo furay meelo badan oo kamid ah wadanka Faransiiska, si dadku u helaan qabowga gacan ku sameyska ah ee ka jira goobahaas.

Inta badan wadamada reer galbeedka ayaa waxaa ka jira cimilo adag, mar waa qabwo daran, marna waa kuleyl daran, waana adagtahay ina la helo waqtiyo ay xaaladdu meel dhexaad tahay.

Wadamada badan oo katirsan caalamka Islaamka gaar ahaan Soomaaliya ayuu Allaah ugu deeqay jawwi iyo cimilo wanaagsan, taasina waa arin mudan in Allaah looga mahdiyo.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular