Hogaamiyaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Dani, ayaa saacado ka hor shaqada ka eryay taliyihii ciidamada Sirdoonka ee maamulkiisa, isagoo magacaabay taliye cusub.
Taliyaha la eryay ayaa waxaa lagu magacaabaa C/Qafaar Yaasiin Yacquub, ujeedaduna waxay tahay inuu kamid yahay rajiimkii Cabdiwali Gaas.
Dani ayaa waayahanba waday inuu xilalka ka xayuubiyay qof walba oo uu horey u magacaabay Cabdiwali Gaas islamarkaana lagu tuhmi karo inuu xiriir la leeyay Gaas.
Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Garowe ayaa lagu xaqiijiyay xil ka qaadistan.
Sidoo kale waxaa taliyaha sirdoonka maamulka loo magacaabay Mukhtaar Maxamed Xasan oo ah nin uu si gaar ah u wato Dani.
Mukhtaar (Jeyte) waxaa uu hadda hayay xilka Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada.
Hogaamiyihii hore ee Maamulka Puntland C/Wali Gaas ayaa isku daray hay’adaha sirdoonka iyo la dagaalnaka waxa loogu yeero “argagixisada” ee PIA iyo PSF waxaana uu u bixiyay PISA.
Hey’addan ayaaa wuxuu madax uga dhigay ninka haatan la eryay oo uu ku fushan jiray danihiisa gaarka ah, kuna handadi jiray ciddii uu doono.
Dhaqankan ayaa waxaa inta badan sameeya madaxda DF, tusaale ahaan: Markii Farmaajo loo doortay madaxweynaha, wuxuu shaqadii ka cayriyay Tuur Yare oo ahaa taliyihii BS-ta oo uu horey u magacawday Xassan Sheekh, taa badalkeeda wuxuu keensaday rag isaga u khaas ah.