HomeAll newsDhaliban Oo ka digtay ka qeybgalka Doorashooyinka.

Dhaliban Oo ka digtay ka qeybgalka Doorashooyinka.

Bayaan kasoo baxay lajnada qaabilsan ka hortaga iney waxyeello kasoo gaarto dadka shacabka ah howlgallada ay fulinayaan Mujaahidiinta, oo hoostagta Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan ayaa dadka muslimiinta ah waxaa looga digay iney ka qeybgalaan doorashooyinka lagu wado iney ka dhacaan wadanka Afqaanistaan.

Lajnada ayaa sheegtay in maadaama iyadu ay masuul ka tahay inaan shacabka muslimka ah waxyeello kasoo gaarin howlgallada Mujaahidiinta, ay shcabka usoo jedineyso iney si dhab ah u qaataan qodobada soo socda oo bayaanka lagu sheegay.

Kow: in si adag looga digtoonaado ka qeybgalka doorashooyinka madaxtinimada, maadaama howlgallada ciidamada Imaarada islaamiga ay noqon doonaan kuwa joogta ah.

Labo: waxaa la ogeysiinayaa shirkadaha gaadiidka, iyo dadka leh gawaarida wax daabula in maalmaha Jimcaha iyo Sabtida ay ka joogsadaan iney gobollada dalka isaga gudbiyaan dadweynaha, taas oo ku jirta bad qabka dadka shacabka ah.

Qodobka labaad, wxaa ka reeban oo aan ku jirin dadka xanuunsan ee safaro caafimaad u socda, waxaana dadka xaaladahas gaarka ah ay heysato iyo dadka safakra ku wehlinaya lagu sheegay bayaanka iney masuul ka yihiin bad qabkooda ciidamada Mujaahidiinta Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan.

Bayaankan lahjadda kulul ku qoran ayaa kusoo aadaya, iyadoo lagu wado in dalka Afqaanistaan ay ka dhacaan doorashooyin ku sheeg madaxtinimo, oo lagu dooanyo in xukuumadda Kaabul ay ku yeelato madaxweyne cusub.

Horay ayay Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan u soo saartay bayaan ay shacabka muslimka ah uga digeyso iney kaga qeybgalaan doorashooyinka madaxtnimada, taas oo ay sheegtay ineysan sharciyan banaaneyn, islamarkaana ay tahay mid lagu sugayo sharciyadda xukuumad ay Shisheeyuhu wataan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular