HomeAll newsDhaalibaan oo weerartay Xaafad u gaar ah Shisheeyaha oo ku taalla Kaabul.

Dhaalibaan oo weerartay Xaafad u gaar ah Shisheeyaha oo ku taalla Kaabul.

Habeennimadii xalay, rag naftood huriyaal ah oo katirsan Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan ayaa weerar culus ku qaaday xaafad ku taalla bartamaha magaalada Kaabul, oo u gaar ah hay’adaha Shisheeyaha ee qeybta ka ah duulaanka wadankaas ay ku qaadeen ururka NATO.

Nafti hure katirsan Dhaalibaan ayaa qarax ku daah furey weerar lagu qaaday xaafadda Green Willich ee Kaabul, waxaana xigay in dagaalyahanno hubeysan ay u daateen xarumaha muhiimka ah ee ku yaala xaafadaas.

Afhayeenka Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan Dabiixullaahil Mujaahid, wuxuu shaaca ka qaaday in dagaalyahannadooda ay ku guuleysteen iney gudaha u galaan goobta la beegsanayay, halkaasna ku dilaan tobanaan ruux oo Shisheeye ah.

Wuxuu sheegay isagoo soo xiganaya ragga ka dhexdagaallamaya dhismaha, in dhamaan Inqimaasiyiinta ay noolyihiin, islamarkaana ay wadaan toogasho wadareed ay u geysanayaan Shisheeyaha halkaas degan.

Dabiixullaahil Mujaahid ayaa intaas ku daray in Inqimaasiyiintu qol qol u baarayaan xarunta Grean willich, islamarkaana ay iska caabiyeen weeraro dhowr ah oo ay kusoo qaadeen ciidamada huwanta iyo kuwa xukuumadda Kaabul.

Khasaaraha horudhac ah ee la helaya waa dhimashada tobanaan ruux, iyo dhaawaca tiro kale, waxaana Dabiixullaahil Mujaahid uu been abuur ku tilmaamaya wararka sheegaya inaaney jirin wax waxyeello ah oo ka dhalatay weerarkaas.

Xukuumadda Shisheeyaha gacan saarka la leh ee Kaabul, waxay war ay soo saartay ku sheegtay in ugu yaraan 16 ruux ay ku dhinteen weerarkan, halka ay ku dhaawacmeen 119 ruux.

Wasiirka arimaha gudaha ee Xukuumadda Kaabul oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in weerarka uu soo gebegeboobay, balse taasi weli kama hadlin Dhaalibaan.

Hay’daha degan xarunta la weeraray waxaa kamid ah shirkadda Black Water oo kamid ah shirkadaha la shaqeeya ciidamada Maraykanka, kuna caan baxday fulinta weeraro lagu gumaado Muslimiinta Caalamka.

Wakaaladda wararka ee Faransiiska oo la kulantay qaar kamid ah dadka degan xaafadaha ka ag dhow  halka la weeraray ayaa sheegtay iney jiraan banaanbaxyo ay dhigayaan shacabka, oo ka cabanaya Shisheeyaha degan Grean willich.

Dadka oo careysan ayaa dalbanaya iney Shisheeyaha ka guuraan xarunta, maadama ay soo noq noqdeen weerarada ay Dhaalibaan kusoo qaadeyso.

“Dhibka ugu weyn ee aan qabno waa Ajaaniibta, uma baahnin ee hanaga guuraan” ayaa waxaa yiri mid kamid ah dadka la hadlay wakaaladda wararka ee Faransiiska.

Weerarkan ayaa qeyb ka ah howlgalka Al-fatxi ee ka socda wadanka Afqaanistaan, waxaana uu kusoo aadayaa, iyadoo Maraykanku sheegayo inuu xilliyada soo aadan isaga bixi doono dalka Afqaanistaan oo idil.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular