HomeAll newsAskar katirsan Shisheeyaha Oo lagu dilay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Askar katirsan Shisheeyaha Oo lagu dilay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday kolonyo ciidamo Shisheeye ah oo kasoo baxay xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Kolonyadan ayaa sahay u siday ciidamada Shisheeyaha ee jooga deegaanka Ceel Jeelle ee duleedka magaalada Marko,waxaana la weeraray xilli ay marayeen deegaanka Siinka-dheer oo u dhexeeya Muqdisho iyo Ceelasha biyaha.

Ugu yaraan 3 darawal oo kaxeynayay gawaarida xamuulka ee sahayda u siday ciidamada Shisheeyaha ayaa ku dhintay weerarka, iyadoona ay macquul tahay in khasaaruhu intas kasii bato.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sii laba laabay weerarada ay ku beegsanayaan ciidamada Shisheeyaha ee duulaanka ku jooga wadanka Soomaaliya.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular