HomeAll newsCiidamada Shisheeyaha Oo howlgallo Raaf ah ka sameeyey Balcad iyo Deegaan hoos...

Ciidamada Shisheeyaha Oo howlgallo Raaf ah ka sameeyey Balcad iyo Deegaan hoos yimaada.

Askari katirsan Al-Shabaab oo ku sugan xarunta maamulka Balcad.

Ciidamadaan oo isugu jira shisheeyaha Afrikaanta iyo kuwa maamulka Hirshabeelle ayaa waxay dad badan ka raafeen degmada Balcad iyo Tuulada Gololey oo hoostagta magaaladaasi.

Xabsiga Balcad ayaa buuxsamay waxaana dadka loo soo gudbiyay qeybo kale oo kamid ah magaalada, sida uu idaacada Alfurqaan u sheegay mid kamid ah dadka ku dhaqan Balcad.

Magaalada ayaa sidoo kale waxaa la keenay dad laga soo qabtay Gololey iyo tuulooyin kale oo hoos taga Balcad.

Dad ay ka muuqato sunada ayaa kamid ah dadka laga raafay Balcad kuwaasi oo ku dhibaateysan goobaha lagu xiray.

Qofkaan jooga Balcad oo la hadlay Alfurqaan ayaa sheegay in ehelada loo diiday inay arkaan dadka ka xiran.

Mas’uuliyiin katirsan maamulka Hirshabeelle iyo ciidama katirsan kuwa Burundi ayaa maalmihii lasoo dhaafay lagu dilay wadada isku xirta Jowhar iyo Muqdisho, kadib howlgallo ay fuliyeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular