HomeAll newsBurundi oo Qiratay Ciidamadii looga dilay Weerarkii duleedka Balcad.

Burundi oo Qiratay Ciidamadii looga dilay Weerarkii duleedka Balcad.

Dowladda Burundi oo kamid ah dowladaha ay ciidamadu ka joogaan dalka Soomaaliya ayaa qiratay in khasaare adag ciidamadooda lagu gaarsiiyay weerar billowgii todobaadkan ka dhacay gobolka Shabeellaha dhexe.

Masuuliyiin katirsan dowladda Burundi oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP ayaa xaqiijiyay in askar badan looga dilay weerarkii ka dhacay duleedka Balcad, oo ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab kamiin ugu dhigeen ciidamada Burundi.

“Haa kaasi waa run nasiibdarro 12 kamid ah Ciidamadeena ayaa la dilay lix kalana waa la dhaawacay sabtidii shalay aheyd oo xagjiriinta Al-Shabaab ayaa weerar dhabbagal ah u dhigay kolonyo katirsan Ciidamadeena oo kusii jeeday magaalada jowhar kana ambabaxay Muqdisho” sidaas waxaa yiri mas’uul Burundeys ah oo diiday in magaciisa la xigto.

Weerarkan oo dhacay maalintii Sabtida ayaa khasaare ba’an lagu gaarsiiyay ciidamada Burundi, waxaana looga dilay 14 askari, oo 12 kamid ah meydadkooda ay dul istaageen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular