Iyadoo wadanka Bangaladesh ay ku noolyihiin malaayiin ruux oo muslimiin ah, kana soo barakacay dhulkooda Araakaan ee ay xooga ku heystaan Buudiyiinta, ayaa dowladda Bangaladesh waxay ku tala jirtaa iney qaado tallaabooyin barakicin.
Dowladda ayaa sheegeysa in malaayiinta ruux ee kunool kaamamka qoxootiga ee ku yaala gobolka Kokas loo rari doono jaziirado fog fog oo hoosyimaada wadanka Bangaladesh.
Gudoomiyaha gobolka Kokas oo waraysi siiyay warbaahinta ayaa sheegay in toban maalmood gudahood ay ku tala jiraan in dhamaan dadka kunool gobolka ay ku geeyaan jaziiradda Baashaan Tashaar.
Wuxuu sheegay in masuuliyiin katirsan dowladda ay booqasho ku tageen jaziiradda, islamarkaana ay indha indheyn kusoo sameeyeen Jaziiradda, si maalmaha soo socda loogu raro malaayiin ruux.
Dadka Muslimiinta ee Rohingiya ayaa u arka tallaabadan mid barakicin ah, waxayna sheegayaan in jaziiradda la doonayo in loo raro ay tahay mid nolol ahaan liidata, kana jirin tiirarka nolosha.
Inkastoo dowladda Bangaladesh ineysan jirin wax barakicin ah, dadkan ay khiyaarkooda ku guurin doonto, hadana hormuudka muslimiinta Rohingiya ee kusugan Bangaladesh waxay sheegayaan in xoog lagu barakicinayo.
Muslimiinta Rohingiya waxaa dhulkooda Araakaan kasoo barakiciyay kooxaha Buudiyiinta ee islaam naceybka ku fogaaday, waxayna hadda ku dhibanyihiin wadamada deriska ah oo ay ku heysato xaalado adag.