Hay’adda Isgaarsiinta Bangaladesh ayaa soo saartay wareegto ay adeega Teleefannada ku hadalka ee gacanta uga jareyso kaamamka ay ku noolyihiin muslimiinta Rohingiyah, ee ay Buudiyiintu kasoo barakiciyeen dhulkooda.
Shirkadaha isgaarsiinta Bangaladesh oo gaaraya illaa iyo 4 shirkadood ayaa lagu amray in sida ugu dhaqsiyaha badan u joojiyeen adeega ay siinayaan dadka ku nool kaamamka qoxootiga ee ku yaala xuduud beenaadka Bangaladesh iyo Miyanmar.
Hay’adda isgaarsiinta xukuumadda Bangaladesh, kuma sheegin wareegtada ay soo saartay sababta rasmiga ah ee ka dambeysa amarkan, waxaana shirkadaha isgaarsiinta la faray in todobaad gudihiisa ay kusoo gudbiyeen warbixinno ku aadan dhaqan galka wareegatadan.
Dhawaan ayaa hay’adan waxay soo saartay amar ah in shirkadaha Isgaarsiinta ay yareeyaan adeegyada isgaarsiineed ee ay siinayaan ku dhawaad 2 milyan oo ruux oo kamid ah muslimiinta Rohingiyah, waxaana amarkaas oo ay shirkaduhu u hogaansameen uu saameeyey dhaqaalaha soo geli jiray shirkadaha.
Dadka Aqoonyahannada ah ee kunool Bangaladesh ayaa sheegaya in qaraarkan uu yahay mid cadaadis horleh lagu saarayo muslimiinta Rohingiyah, ayna muuqaneysa in xukuumaddu ay Isfahan la gaartay Buudiyiinta.
Muslimiinta Rohingiyah ee ku nool deegaannada xuduuda ee kala qeybiya Miyanmar iyo Banagaladesh ayaa diiday in loo celiyo wadankooda, xilli ay socdaan olole lagu dooanyo in dib loogu celiyo, waxayna sheegeen iney ka cabsi qabaan in loo geysto dhibaatooyin adag.
Waxay intaa ku dareen iney laabanayaan oo keliya marka ay helaan damaanad ah inaanan wax dhib ah loo geysan doonin, ayna fursad u helayaan iney si caadi ah u noolaadaan.
2017-kii ayaa Buudiyiinta Baarma waxay billaabeen howlgal ballaaran oo ka dhan ah muslimiinta, waxaana xilligaas dhacay tacadiyaad kala duwan oo ay adagtahay in la suureysto.
700 oo kun oo ruux oo muslimiin ah ayaa xilligaas usoo cararay dhanka Bangaladesh, waxaana tan iyo markaas ay ku noolyihiin kaamam qaxooti oo ku yaala mandiqadda dhacda xuduuda ee Kokas.
Halkaas waxaa ku heysata dhibaatooyin kala duwan oo dhanka nolosha ah, mana jirto dad saacidaya oo garab taagan, waxaana iyadoo arinkaas ay ka faa’ideysanayaan hay’adaha Tansiiriga ee dadka gaaleysiiya billaabeen iney dad badan u bandhigaan iney ka baxaan diinta Islaamka, taas bedelkeedana la geynayo wadamada Yurub.
Ducaada muslimiinta ee Bangaladesh ayaa horay u sheegay iney jiraan dad badan oo Rohingiyiin ah oo qaatay diinta Kirishtanka, kaamamkaasna ay ka socdaaan olole ballaaran oo dadka lagu gaaleysiinayo.