War rasmi ah oo kasoo baxay Ansaaru Shareeca oo ah faraca Al-Qacidada Jaziiradda Carabta ee Yaman ayaa lagu sheegay in Mujaahidiintu ay ku guuleysteen iney soo daayaan tobanaan maxaabiis ah oo ku jiray gacanta Xuuthiyiinta.
Ragan laga soo saaray gacanta Xuuthiyiinta ayaa ka tirsanaa Mujaahidiinta Ansaaru Shareeca, waxaana sanadihii ugu dambeeyey gacanta ku dhigay Xuuthiyiinta, xill ay ku guda jirene fulinta howlgallo Jihaadi ah.
Xaflad ballaaran oo soo dhaweyn ah ayaa loo sameeyey maxaabiista Mujaahidiinta ee dib u helay xurriyadooda, waxaana soo dhaweeyey rag katirsan Mujaahidiinta.
Sawirro uu baahiyay wariyaha Ansaaru Shareeca ayaa waxaa ka muuqanaya tobaneeyo maxaabiis Mujaahidiin ah oo dib u helay xurriyadooda, islamarkaana si diirran loo soo dhaweeyey.
Ansaaru Shareeca waxay shaaca ka qaaday in maxaabiistan ay kusoo baxsadeen kadib maxaabiis is dhaafsi ay sameeyeen Mujaahidiinta iyo malleeshiyaadka Xuuthiyiinta oo ah koox shiico ah oo gacan saar dhow la leh dowladda Iiraan.