HomeAll newsWeerar Burcad sifeyn ah khasaarena dhaliyay oo ka dhacay duleedka Qoryoolay.

Weerar Burcad sifeyn ah khasaarena dhaliyay oo ka dhacay duleedka Qoryoolay.

Askar katirsna kuwa dowladda federaalka oo doonayay in dhac iyo baarasho ka geystaan deegaano hoostaga degmada Qoryoolay ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa la kulmay weerar culus.

Ciidamo katirsan Xarakadda Mujaahidiinta Al-Shabaab, oo la socday dhaq-dhaqaaqa askar katirsan ciidamada dowladda oo kasoo baxay Qoryoolay, islamrkaana doonayay iney dhac ka geystaan deegaannada hoostaga, ayaa weerar culus ku qaaday ciidamadaas.

Ugu yaraan 4 askari oo katirsan ciidamada dowladda ayaa soo gaaray deegaan lagu magacaabo Maduuru oo dhaca duleedka Qoryoolay, halkaas oo ay doonayaan iney dhac ka geystaan, balse waxaa durba ay la kulmaan weerar uga yimid dhianca Mujaahidiinta.

Is rasaaseyn kooban kadib, waxaa goobta ka cararay 3 askari oo katirsan ciidamada dowladda, halka kii afaraad uu dhaawac kasoo gaaray lugta.

Ciidamada Mujaahidiinta ayaa gacanta ku dhigay askariga dhaawacan, waxaana markii dambe lagu toogtay deegaanka Doonburaale oo kamid ah deegaannada hoos yimaaada Qoryoolay.

Qorigii iyo booshkii u watay askariga la dilay ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Marar bdan ciidamada Mujaahidiinta waxay gobolka Shabeellaha hoose ka sameeyeen howlo burcad sifeyn ah, kuwaas oo lagu difaacayo hantida iyo nafta dadka muslimiinta ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular