Qof hubeysan ayaa weerar culus ku qaaday ciidamo katirsan Police-ka Maraykanka, xilli ay ku guda jireen howlahooda shaqo, waxaana lasoo warinayaa iney jirto waxyeello kala duwan.
Weerarka ayaa ka dhacay magaalada Philadelphia oo ah magaala madaxda gobolka Pennsylvania, waxaana qofka hubeysan ee weerarka geystay uu dhaawacay uug yaraan 6 askari.
War kasoo baxay Police-ka gobolka ayaa lagu sheegay in dhaawacyada saraakiisha la dhigay isbitallada caafimaadka, kuwaas oo midkood ay rasaastu kaga dhacday madaxa, waxaana goor dambe gacanta lagu dhigay qofka fuliyay weerarka.
Ninka weerarka qaaday ayaa markii uu dhaawacay askarta, wuxuu gudaha u galay dhismo ku yaala magaalada, isagoo halkaas saacado ku heystay dad Ameericaan, walow markii dambe uu isku soo dhiibay Police-ka.
Magaca fuliyaha weerarka waxaa lagu sheegay Maurice Hill, waana 34 jir madow Maraykan ah, sida ka muuqata sawirradiisa oo Internetka lagu baahiyay.
Illaa iyo hadda Police-ka Maraykanka kama hadlin nooca weerarka iyo inuu yahay midka ay ku tilmaamaan Argagaxisada oo ay ula jeedaan weerarada ay fuliyaan dadka muslimiinta ah, arintanina waxay kusoo aadeysaa xilli dhawaanahan ay sii kordhayeen weerarada ka dhacaya gudaha Maraykanka.