HomeAll newsMasjidka Namirah...Halkii Uu Nabiga Sallalahu Caleyhi Wasallam ka khudbeeyay Xajatul Wadaac.

Masjidka Namirah…Halkii Uu Nabiga Sallalahu Caleyhi Wasallam ka khudbeeyay Xajatul Wadaac.

Masjidka Namira waa masaajid aad u balllaaran oo ku yaala bartamaha barxadda Carafo oo ah halka ay maanta oo ah maalinta sagaalaad ee Dul Xaj ay taaganyihiin malaayiin ruux oo muslimiin ah oo sanadkan nasiib u yeeshay gudashada Xajka.

Halka Masjidka laga dhisay waa goobtii uu ka khudbeeyey Nabiga Sallalaahu Caleyhi Wasallam Xajkii loogu magacdaray Xajkii sagootinta oo ahaa kii ugu dambeeyey ee uu Nabigu gutey sanadkii 10-aad ee hijriyada.

Waa masaajid leh manaarado dhaadheer, kuna fadhiya masaaxo ballaaran, waana halka hadda laga jeediyay khudbadda maalinta  Carafo, dadkuna halkaas ayay duhurka iyo casirka ku tugtaan, Hal adin iyo labo aqin.

Marka dib loo fiiriyo taariikhda masjidkan waxaa la dhisay bartimihii qarnigii labaad ee hijriyada, dhowrjeer ayaana la ballaariyay, hadana gudaha iyo banaanka marka la isku daro wuxuu qaadaa khalqi aad u badan.

Bedka uu ku fadhiyo waxaa lagu sheegaa inuu yahay 110 kun oo Meter oo labo jibaaran, dhirirkiisana marka laga soo billaabo dhanka bari illaa galbeed waxaa uu gaaraa 340 meter, ballaciisa min wuqooyi illaa koonfurna waa 240 meter.

Dhabarka dambe ee masjidka waxaa ku yaala barxad ballaaran oo  loo heelay har ay dadku ku nasan karaan, cadceeduna kaga gaashaman karaan, wuxuu leeyahay  6 manaaradood oo mid weliba dhirirkeedu gaarayo 60 meter.

Masjidka Namira wuxuu sidoo kale leeyahay sameecado waaweyn oo ku dhegan banaanka, kuwaas oo si maqal iyo muuqaal ah usoo tabiya khudbadda maalinka Carafo.

(valium)

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular