HomeAll newsDiyaarad dagaal oo Imaaraadka Carabta looga soo riday wadanka Liibiya.

Diyaarad dagaal oo Imaaraadka Carabta looga soo riday wadanka Liibiya.

Xukuumadda Al-wifaaq ee fadhigeedu yahay magaalada Tripoli ee caasimadda Liibiya ayaa shaaca ka qaaday iney soo riday diyaarad drone ah oo ay leedahay dowladda Imaaraadka Carabta.

Afhayeen u hadlay milliteriga xukuumadda ayaa sheegay in ciidankooda difaac ay ku guuleysteen iney soo ridaan diyaarad drone ah oo ay leedahay Imaaraadka, taas oo maalintii shalay duqeymo ku garaacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Misraata.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa taagero dhinac weliba oo muuqata waxay la garab taagantahay dagaal ooge Khaliifa Xaftar oo olole milliteri ka wada qeybo kamid ah wadanka Liibiya.

Xaftar ayaa hadda wada olole uu ku doonayo inuu kula wareego Tripoli, balse waxa uu la kulmay iska caabin adag oo uga timid xukuumadda oo taageero ka heshey qabaa’ilka dega galbeedka Liibiya.

Al-wifaaq waxay marar badan shaacisay iney dhulka soo dhigtay diyaarado ay leedahay dowladda Imaaraadka carabta, kuwaas oo duqeymo geysanayay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular