Maalmo ka hor waxaa soo ifbaxay mashruuca doorashada khiyaanada ah ee laga abaabulayo dalka Afgaanistaan
musharraxiinta waxay bilaabeen ololahooda ku aadan doorashada.
“Imaarada Islaamiga ah iyadoo ka duuleysa ololahaasi waxay cadeyneysaa mowqifkeeda ku aadan doorashada” ayaa lagu bilaabay bayaanka kasoo baxay imaarada islaamiga ah oo lagu baahiyay baraha internetka.
“Afgaanistaan waxaa ku sugan ciidamo gumeyste shisheeye ah kuwaasi oo dajiya dhammaan shuruudaha dalka, iyaga ayaa maalgaliya oo la socda mashruuca doorashada go’aanka ugu danbeeyana waxaa iska leh shisheeyaha iyadoo lagu kormeero laguna haggo safaaradaha”ayaa lagu yiri Bayaanka.
Imaarada islaamiga ah ee Afgaanisaan ayaa bayaanka ku sheegtay in Doorashada ay u aragto Ciyaar siyaasadeed oo kaliya oo lagu khiyaanayo shacabka.
“Mashruuca Doorashada wax kale ma ahan ee waa ciyaar lagu dhagrayo shacabka Muslimka ah ee Afgaanistaan maxaa yeelay dhammaan waa la ogyahay in doorshooyinka ka hoos shaqeeya gumeystaha aysan matalin rabitaanka shacabka”
Bayaanka kasoo baxay hoggaanka dhaalibaan waxaa dib loogu milicsaday doorashadii dhacday sanadkii 2014-kii iyo xiligaasi wixii dhacay.
“Shacabku waxay xasuustaan doorashadii la qabtay sanadkii 2014-kii oo laba jeer lagu lunsaday lacago malaayiin ah iyadoo howlaha doorashadu ay socotay muddo lex bilood ah”
Imaaraadka islaamiga ah ayaa sheegtay in markii la gaaray najiijada waqtiga kama danbeysa ah ee doorashada ay mareykanka si cad usheegeen cida ay la rabaan inay ku soo baxdo doorashada oo utalisa dalka afgaanistaan.
“Dadka Caqliga usaaxiibka ah waxay yiraahdeen wax horay loo soo tijaabiyay haddii lasii tijaabiyo waa qalad sidaasi darteed waxaan umada usheegaynaa inaysan ku dhicin dhagarta siyaasiyiinta islamarkaana ay qaadacaan Mashruucaan aanan ka tarjumeyn oo wax qiimo ku lahayn aragtidooda”ayaa la raaciyay bayaanka.
Imaarada islaamiga ah ee Afgaanistaan ayaa ku goodisay in gacan adag ay ku wajihi doonta mashruucaan doorashooyinka iyadoo umadda kaga digtay inay tagaan fadhiyada iyo goobaha ay ka socdaan olalada doorashooyinka.
“Maadaama doorashooyinkaan ay yihiin kuwa khiyaano ah oo lamid ah kuwii hore imaarada islaamiga ah waxay isku dayaysaa inay si adag oo xoog leh kaga hortagto waxaanna dhammaan shacabka ujeedineynaa inaysan ka qeygalin mashruucaan oo aysan tagin fadhiyada musharaxiinta Maxaa yeelay Gumeystaha iyo Cumaladooda waxay dadka uga faaideystaan ololahooda iyo inay kalsooni ka helaan” waxaan yaqiinsanahay in shacabku fashilin doonaan mashruucaan”
Bayaanka wuxuu umuuqday mid diraya fariin dhiig ku qoran oo imaarada ay hadda bilaabayso iyadoo ku hujuumeyso fadhiyada iyo ololaha doorashooyinka.
“Hada waxaa bilwoday olalaha doorashada shirar iyo kulamo ayaa la qabanayaa sidaasi darteed mujaahidiintu waxay wahayaan oo ay u istaagayaan inay ka hortagaan si aysan uwaxyeeleyn guud ahaan bulshada ilaah uma ogolaadee bulshada waxaa waajib ku ah inay ka fogaadaan ololahaan iyo kulumada unugul weerarada.”
Gaba gabada Bayaanka waxaa lagu hadlay shisheeyaha ku duulan wadanka Afgaanistaan.
“Imaarada islaamiga ah waxay kaloo ugu baaqaysaa dhammaan qeybaha shisheeye ee sheegtay inay taageerayaan mashruucaan been abuurka ah oo ay ka go’antahay maalgalintiisa in awoodooda iyo imkaaniyaadkooda uleexiyaan oo ay ku qarash gareeyaan soo afjarida Gumeysiga si umadda ay uhelaan nabad iyo xasilooni buuxda”