Faahfaahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa weerar hubeysan oo ay ciidamo ka tirsan DF ka geysteen deegaan dhaca duleedka degmada Balcad ee Sh/dhexe.
Xogta ayaa ku waramaysa in ugu yaraan sedax qof oo safarrey ahaa ay dhinteen kadib markii ciidanka dowladda oo isbaaro utiillay wadada laamiga ah ay rasaas ku fureen gaariga oo ka yimid Muqdisho kuna sii jeeday degmada Balcad.
Gaariga noociisu waxa uu ahaa Noha waxaana rasaastii lagu dhoobay ay dishay sadaxdaasi qof oo kala ahaa darawalkii gaariga, qof dumar ah iyo nin oday ah.
Haddaba qaar kamid ah dadkii ka badbaaday weerarka ayaa warbaahinta u sheegay in askarta DF ay darawalka weydiisteen lacago hase ahaatee uu ka dhega adeygay.
Bishiiba markey ugu yartahay laba ama dhacdo noocan ah ayay ciidamada DF ka geystaan wadada xiriirisa Balcad iyo Muqdisho.