Dagaallada u dhexeeya ciidamada dawladda taagda Daran ee Yaman iyo kuwa taageerada ka helaya imaaraadka carabta ayaa sii socday maalintt saddexaad oo isku xigta, waxaana dagaalada lasoo tabinayaa inay ku dhinteen 20 ruux.
Dagaalka ba’an ee ka soo cusboonaaday Yaman gaar ahaan Cadan ayaa umuuqda inuu kala jaray isbahaysiga uu horkacayay Sauudiga.
Imaaraadka ayaa doonaya inuu meesha ka saaro dowladda Aqoonsiga ka heysata Qaramada midoobay halka Sacuudiga ay difaacayaan dowladaasi kuwaasi oo la leeyahay waxay ciidamo ku ilaalinayaa xarumaha muhiimka u ah dowladda.
Dagaaladii shalay oo jimco ahayd dhacay waxaa ku dhintay shan qof oo rayid ah tobaneeyo kalana way ku dhaawacmeen sida ay sheegeen dhakhaatiirta iyo saraakiisha amniga oo la hadlay wakaaladaha wararka iyo wariyayaasha.
dagaalka udhaxeeya ciidamada daacada u ah madaxweyne Abdi Rabbu Mansuur Hadi iyo ciidamada taageersan Imaaraatka carabta ayaa walaac daran ku dhaliyay shacabka kuwaasi oo dhibanayaal unoqday hubka culus oo ay isku weedaarsanayaan dhinacyada dagaalamaya.
Shaqaalle katirsan hey’adaha qaramada midoobay iyo kuwa kale oo ajaaniib ah ayaa ku xayiran Magaalada Cadan tan iyo Markuu dagaalka Bilowday maalintt Arbacada.
Hey’adda NRC Ee Norwey ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay ka walaacsantahay ammaanka shaqaalaheeda ee ku xayiran Cadan
“Waxaa jira duqeymo culus oo isdaba joog ah. Waxaan wali maqleynaa iskahorimaad ka dhacaya xaafaddeyda,” ayuu yiri Amgad, oo ka tirsan shaqaalaha NRC ee Yemen.
Waxaa si dhameestiran ujaran Biyaha iyo Korantada inta badan xaafadaha Cadan waxayna dadku isticmaalayaan haamo ay jiraan biyo heyn kara maalin ama labo sida uu sheegay mid kamid ah dadka ku go’doonsan magaalada Cadan.
Dagaalada udhaxeeya dhinacyo iska soo horjeedo ayaa shan sanno jirsaday wadanka Yaman oo faragalin ay ku hayaan dowlado shisheeye oo ay kamid yihiin Imaaraadka Sacuudiga iyo Iiraan.
Wixii ka danbeeyay markii wafdi ka socda Imaaraadka ay gaareen dalka Yaman waxaa is badal ku yimid siyaasada Imaaraadka ee dalka Yaman waxayna hadda umuuqdaan kuwa balantii kaga baxay Sacuudiga iyagoo wada xaajood kula jira Xuutiyiinta si meesha looga saaro dowladda Yaman oo aanan lahayn awood badan oo ay isaga sii difaacdo dhinacyada kasoo horjeeda.