HomeAll newsBaarlamaanka Kenya oo soo jeediyay in Awood milliteri loo adeegsado Badda Soomaaliya...

Baarlamaanka Kenya oo soo jeediyay in Awood milliteri loo adeegsado Badda Soomaaliya Ee Muranka La Galiyay.

Hogaamiyaha aqlabiyada baarlamaanka Kenya Aadan Barre ducaale, iyo dhiggiisa hogaamiyaha xildhibaanada laga badan yahay ee ku jira baarlamaanka John Mbadi ayaa baarlamaanka horkeenay mowshin ku saabsan shan arimood oo ay suuragal tahay inay xukuumadda Uhuru u adeegsato qaadashada qeyb kamid ah badda Soomaaliya oo ay Kenya caashaqday.

Mid kamid ah shanta arimood, waa in ciidamo Kenyaati ah la geeyo badda gaar ahaan qeybta ay Kenya muranka galisay, taas oo ka dhigan in qaab milliteri loo xalliyo arrintaas.

“ Baarlamaanka Jamhuuriyadda Kenya wuxuu go’aaminayaa tallaabooyin dheeraad ah oo dastuuri ah, si looga hortago argagax gelinta dalka. Tallaabooyinkaas waxaa kamid ah in ciidamo Kenyaati ah la geeyo xuduuda, si ay u qaataan masuuliyadda ilaalinta Jamhuuriyadda, oo uu dhigayo dastuurka wadanka” ayaa lagu yiri qoraal ay saxiixeen madaxda labada garab ee Baarlamaanka dalkaas.

Aadan Ducaale oo kasoo jeeda dhulka Soomaaliyeed ee ay Kenya gumeysato, qaar kamid ah waalidiintiisana ay Kenya ku dishay xasuuqii Gaarisa Gubaay, haddana ah gudoomiyaha Aqlabiyadda baarlamaanka Kenya ayaa xillibaannada ku dhiirageliyay iney meel mariyaan mooshinkan marka ugu horeyso ee kal fadhiga baarlamaanku furmo.

Balse ka hor inta aan ciidamada Kenyaatiga ah la geynin xuduuda beenaadka iyo goobaha ay muranka galiyeen waxay Aadan Ducaale iyo dhigiisa John Mbadi soo jeedinayaan in murankaas lagu xalliyo qaab diblumaasiyadeed, iyadoo loo marayo ururada Midowga Africa, IGAD iyo ururada lamidka ah.

“ Tallaabada mudaanta leh, waa in dowladda Soomaaliya lagu dhiirageliyaa in arinta loo xalliyo si ay ku jirto danta labada dal, iyadoo la marayo diblumaasiyadda” ayaa lagu yiri qoraalka mooshinka ah ee horyaala baarlamaanka Kenya.

Kenya oo ay gadaal ka riixeyso dowladda Norwey oo kamid ah dowladaha shidaalka kasoo saara badaha ayaa waxaa heshiis dhallanteed ah u saxiixay dowladdii KMG ahayd ee Shariif Sheekh Axmad, gaar ahaan Ra’iisulwasaarihii xilligaas Cumar Cabdirashiid, Wasiirkii qorsheynta C/raxmaan C/shakuur iyo Wasiirkii Kalluumeysiga C/raxmaan Ibbi.

Mashruucaas ayaa waxaa haatan Kenya kusoo ciriiriyay dowlado reer galbeed ah oo kaalin ku lahaa shirkii Xaraashka ahaa ee sannadkan ka dhacay London, waana midda keentay in ay Kenya weyraxdo isla markaana cadaadis kusoo rogto DF.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular