Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa magaalada Muqdisho ka fuliyay howlgallo kala duwan oo khasaare lagu gaarsiiyay ciidamada dowladda.
Qarax xoogan ayaa lagu weeraray askar katirsan kuwa dowladda oo ku sugnaa qeybo kamid ah degmada Howlwadaag, xilli ay qayilayeen.
Khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac ayaa gaaray ciidamada dowladda, walow aynaan helin tirada rasmiga ah.
Sidoo kale ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay isla degmada Howlwadaag ku toogteen labo askari oo katirsan ciidamada dowladda.
Labada askari ee la toogtay ayaa ku sugnaa nawaaxiga masaajidka Biya maalow oo dhaca inta u dhexeysa Isgoysyada Howlwadaag iyo Bakaaraha.