HomeAll newsWakiilka QM ee Soomaaliya oo Si Dirqi Ah Uga Badbaaday Hawl Gal...

Wakiilka QM ee Soomaaliya oo Si Dirqi Ah Uga Badbaaday Hawl Gal Qorsheysan oo Ay Al-Shabaab Ka Fuliyeen Muqdisho.

Xarakada Al-Shabaab ayaa saacado ka hor hawl gal qorsheysan oo weyn waxa ay ka fulisay xarunta maamulka gobolka Banaadir oo ku taalla degmada Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho.

Hawl galkan qorsheysan ayaa waxaa si dirqi ah uga badbaaday wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan.

Hawl galkan ayaa ka dhacay xaruntii uu Swan kula shirayay maamulka gobolka Banaadir waxaana la xaqiijiyay in wax yar kadib markii uu meesha ka kacay uu weerarku dhacay.

Balse weerarkan oo si weyn looga dareemay inta badan magaalada Muqdisho si aad ahna loo maqlay jugtiisa ayaa waxaa ku dhintay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir ee DF, halka qaar kale ay ku dhaawacmeen.

Mas’uuliyiinta dhaawaca ah waxaa kamid ah Injineer Yariisow oo ah gudoomiyaha gobolka Banaadir kaasoo lagula tacaalayo isbitalka Digfeer ee ay Turkidu maamusho.

Waxaa dhintay qaar kamid ah gudoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir iyo shaqaale badan. Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular