HomeAll newsWaa kuma Al-baaji Qaayid As-sisbsi; madaxweynihii Tuunis (Dhagayso)

Waa kuma Al-baaji Qaayid As-sisbsi; madaxweynihii Tuunis (Dhagayso)

Madaxweynihii wadanka Tuunis Albaaji Qaayid Al-sibsi ayaa geeriyooday, kadib markii mudooyinkii dambe lasoo gudboonatay xaalad liidata oo dhanka caafimadka ah, taas oo ugu dambeyn keentay in qabriga loo guuriyo.

Marka laga hadlo sooyaalkiisa taariikheed, wuxuu arimaha siyaasadda ku dhex jiray kudhawaad 80 sano, waana qof usoo joogay kahor inta aan xurnimadu ka qaadan gumeystaha.

Wuxuu soo qabtay jagooyin kala duwan, xilligii ay talada Tuunis hayeen madaxweynayaashii Al-xabiib Buuraqiiba iyo Zeynul Caabidiin bin Cali, jagooyinkaas waxaa kamid ah wasiirada arimaha dibadda, kan gudaha iyo xilal kale.

Kahor inta aaney dhicin kacdoonnadii guga carbeed ee ka billowday wadanka Tuunis, wuxuu As-sibsi ka baxay mash-hadka siyaasadda arimaha dowladda, wuxuuna ku mashquulsanaa arimaha qareennimada oo uu isagu kaga soo baxay jaamacadda.

Reer Tuunis ayaa kacdoon ay dhigeen kadib, waxay ku guuleysteen iney talada ka tuuraan bin Cali, markaasna waxaa xilka madaxtnimada ra’iisul wasaaraha si kumeel gaar ah loogu dhiibay Al-qaayid Sibsi.

2014-tii, dalka Tuunis waxaa ka dhacay doorashooyin madaxtinimo,  Sibsina wuxuu dhisay xisbi siyaasadeed uu ugu magacdaray Nidaa Tuunis, isagoona sidaas isugu soo taagay qabashada xilka madaxtnimada wadanka Tuunis.

Dooorashooyinkii dhacay isla sanadkaas ayuu Sibsi kusoo baxay, waxaana uu dalka ku hogaamiyay fakar cilmaani ah oo ku dhisan in si buuxda looga fogaado shareecada Islaamka.

Go’aannadii uu meel mariyay, sida tooska ahna uga hor imaanayay diinta Islaamka waxaa kamid ah inuu diiday sida uu Allaah uu dhaxalka ugu qeybiyay ragga iyo dumarka, wuxuuna sheegay in raga iyo dumarku simanyihiin.

Isagoo jees jeesaya, iskana iloobay iney Aakhiro kahoryeso ayuu sheegay inaaney waxba ka galin Qur’aanka kariimka, dowladiisana ay tahay dowlad madani ah oo ku dhaqanta dastuurka.

Halkan ka dhagayso Warbixin Sooyaalka Taariikheed ee Al-baaji Qaayid As-sibsi.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular