
Afhayeenka ciidanka Xarakada Al-Shabaab Sh/Cabdicasiis Abuu Muscab oo wax yar ka hor qabtay shir jaraa’id ayaa faahfaahin ka bixiyay hawl galkii muddada dheer socday ee ay ka fuliyeen hoteelka Cascaseey ee magaalada Kismaayo.
Hawlgalkan ayuu sheegay iney ku dileen dad ku dhow 40, dhaawacuna uu sii cagacageynayo 60, wuxuna xusay in dadkaasi ay isugu jireen kuwa shisheeye, xubno ka tirsan maamulka Jubbaland iyo siyaasiyiin u shaqeeya ajaanibta.
Sidoo kale wuxuu sheegay in hawl galkan dadka lagu dilay ay kamid ahaayeen xubno ka tirsan DF oo kasoo cararay Xamar kuna soo dhuuntay Kismaayo si ay weeraradooda uga badbaadaan.
Hawlgalka ayaa wuxuu sheegay in lagu daah-furay gaari uu sida naftii hure kadibna ay galeen ciidamo hubeysan kuwaasoo sii dhammeystiray wixii uu hambeeyay qaraxa, halkaasoo sida uu sheegay ay uga sii gudbeen qeybaha kale ee hotelka.
Inta hawlgalka uu socday ayaa wuxuu tilmaamay in dhowr jeer ciidankooda ay soo weerareen ajaanib iyo askar ka tirsan Jubbaland ayna iska caabiyeen.
Ugu dambeyntii wuxuu shirkiisa Jaraa’id kusoo xiray digniin.
Halkan Ka Degso Shir Jaraa’id 13-07-2019 Sh Abu Muscab Hotel Cas-caseey