Warar kusoo dhacaya warqabadka Idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan ayaa xaqiijinaya in deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan qarax culus lagula eegtay ciidamo katirsan kuwa xabashida Itoobiya ee duulaanka ku jooga Soomaaliya.
Qaraxa oo ahaa mid aad u weyn, jugtiisana laga wada maqlay xaafadaha Halgan ayaa waxaa ciidamada Itoobiya uu haleelay xilli ay ku sugnaayeen bar kontorool oo ku taalla gudaha deegaanka, waxaana xilligaas joogay ciidamo aad u badan.
Ilo xog ogaal ah oo ay Al-Furqaan la hadashey waxay xaqiijiyeen in khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac uu gaaray ciidamada Xabashida, ayna goobta soo gaareen gawaarida Ambalasta ee gurmadka deg dega.
Waxaa sidoo kale jiray gawaari dagaal oo ay ciidamada Itoobiya ku qaateen meydadka iyo dhaawacyada, iyagoo u daabulay saldhiga ay ku leeyihiin duleedka Halgan, waxaana taasi oo muujineysa in tirada waxyeellada ay aad u badantahay.
Dhowr jeer oo hore waxaa deegaanka Halgan lagu weeraray ciidamada Itoobiya, iyadoona masuuliyadda weeraradaas ay sheegatay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.