Khasaare badan oo isuga jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashey weerarkii Nafhurnimada ahaa ee maalintii shalay ka dhacay kontroolka koowaad ee laga ilaaliyo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Airport.
Ugu yaraan 15 askari oo ay saraakiil ku jiraan ayaa ku dhintay weerarka, halka dhaawucu caga cageynayo illaa labaatameeyo ruux.
Qaar kamid ah saraakiisha ku dhintay weerarka waxaa kamid ah Sanweyne Isxaaq Caddoow oo kamid ah saraakiisha Nabad sugidda iyo sarkaal magaciisa lagu soo koobay Khaliif.
Sarkaal isagana lagu magacaabo Dawaco oo kamid ah ciidamada gaarka ah ee Yuusuf Indha cadde ayaa ku dhintay weerarka, sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo aan la hadalnay.
Dhaawacyada ku waxyeeloobay oo xaaladooda caafimaad ay kala duwantahay ayaa la dhigay isbitaallo ay gacanta ku heyso dowladda federaalka.
Weerarkan ayaa dhacay, xilli kontoroolka ay taagnaayeen gawaari badan oo nooca aan xabadu karin ah, kuwaas oo ay wateen saraakiil katirsan dowladda, waxaana qaraxa uu gallaaftay nolosha ciidamadii kontoroolka joogay iyo kuwii ilaalada u ahaa saraakiisha la baarayaya.
Ninkastoo kafaradaw dhaw oo gaalo dhinaceeda
Ninkastoo dhulkiyo ninkii ciida gadan dhuunta jara weeye
Ninkastoo islaam kii dhiboo dheef u xilanaaya
Dhulka iyo nin kii ciida gadan dhuunta jara weeye
Dhidarada shareecada dafiray ee dhibsada diinta
Dhuuntiy xaglaha jara kufray isuba dhiibeenw