HomeAll newsFaahfaahin: Al-Shabaab oo Galabta 5 Nin oo Basaasiin Ahaa Ku Dilay Degmada...

Faahfaahin: Al-Shabaab oo Galabta 5 Nin oo Basaasiin Ahaa Ku Dilay Degmada Xagar Ee J/Hoose.

War degdeg ah oo goor dhow kusoo dhacay xafiiska War-qabadka ee Radio-Al-furqaan ayaa sheegaya in galabta uu xukun Xadu-Rido ah ka dhacay fagaare weyn oo ku yaalla degmada Xagar ee Gobolka Jubada Hoose.

Ragga la dilay oo ay tiradoodu dhammayd 5 nin ayaa waxaa ku cadaatay iney Basaas u ahaayeen shisheeyaha sida ay sheegtay maxkamadda islaamiga ah.

Shantoodaba waxaa lagu xukumay dil toogasho ah waxaana ay u kala shaqeynayeen shisheeye kala duwan iyadoo qaarkood ay ku lug lahaayeen dad muslimiin ah oo duqeymo lagu dilay.

MAGACYADOODA IYO DHINACYADII AY U SHAQEYNAYEEN

  1. Cusmaan Cabdulle Cabdullaahi (Buulle) wuxuu ahaa 59 jir basaas u ahaa (Bankaraf)
  2. Cabdi Kariin Muumin Axmad wuxuu ahaa 48 jir wax u basaasayay BS ama Sirdoonka DF.
  3. Xassan Barre Isaaq (Jiir Barrow) wuxuu ahaa 35 jir basaar u ahaa dowladda Kenya.
  4. Cumar Xassan Axmad (Cumar Cuuke) wuxuu ahaa 33 jir basaas u ahaa CIA-da Mareykanka.
  5. Axmad Cabdullaahi Warsame, wuxuu ahaa 24 jir wuxuuna basaas u ahaa CIA-da Mareykanka.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ay xukun noocan ah fuliso Xarakada Al-Shabaab.

RELATED ARTICLES

1 COMMENT

  1. Nin kufriga u jaasuus ahaa jibka dhagar aasa
    Asna jeenan aan badnayn jeeka loo galiyey
    Jidiin kiis nijaas uu hodiyo jaahil gaal raaca
    Jabad Ari sidiis ina gubnaa jaaisadi weeye
    Jihaad kiyo kifaaxaan nin kii abid jilaafeeya
    Jaahiisu gubay naar galaha jara lixaad kiisa
    Junuudaa islasmkiyo nin kii jeeshka wax u aasay
    Jara luqunta waa gaal dhaboo maray jid oodnaaye
    Ictisaam wadaad jaahiliyo julubku yeel koode
    Jamac baa funtamay culumadii jahbidka ahayde
    Jawaabtana ijmaac baa kudhacay jeer horoo tagaye
    Jawaasiis turmpe u dirsaday hana jikaareene
    Jaroo laaya juusuys murtada jaasadiis mudane

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular