Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weeraray difaacyada ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa dowladda federaalka ee ay ku leeyihiin Bariire iyo magaalada Marko oo ah xarunta gobolka Shabeellaha hoose.
Ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa dowladda ee jooga Bariire ayaa la kulmay weeraro saf ballaaran ah, kuwaas oo ay ku qaadeen ciidanka milliteriga Mujaahidiinta, waxaana rasaasta la isku adeegsanayay laga maqlayay duleedka Bariire.
Dagaal midkaas lamid ah ayay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen difaacyada askarta dowladda federaalka ee magaalada Marko, waxaana Mujaahidiinta u suurtagashey iney gudaha u galaan magaalada.
Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashey dagaalladan ka kala dhacay Marko iyo Bariire oo kawada tirsan gobolka Shabeellaha hoose, kuna suganyihiin ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa dowladda federaalka.