Inta u dhexeysa degmada Balcad iyo deegaanka Gololey oo kawada tirsan Shabeellaha dhexe waxaa maanta ka dhacay dagaal culus oo dhexmaray ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa Shisheeyaha.
Ciidamada Shisheeyaha gaar ahaan kuwa Burundi ayaa la kulmay weerar culus, xilli ay ku guda jireen howlgal ay ku jarayaan dhirta ka baxda hareeraha wadada, taas oo halis ku ah deegaanka iyo xoola dhaqatada.
Ciidamo katirsan Mujaahidiinta oo ka war helay dhaq-dhaqaaqa Shisheeyaha ayaa kala hortagay weerar culus oo ay si fool ka fool ah ay isaga hor yimaadeen Shisheeyaha.
Taliska milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo la hadlay idaacadda Al-Andalus ee ku hadasha afka Xarakada ayaa xaqiijiyay in weerarkaas ay ku dileen ugu yaraan 10 askari oo Burundeys ah, halka ay ku gubeen saddex gaari.
Qaar kamid ah meydadka ciidamada Shisheeyaha ayaa yaala fagaarihii lagu dagaallamay, waxaana si dirqi ah ku badbaaday gawaari dagaal oo kale.
Milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay gacanta ku dhigeen hub iyo saanad milliteri oo badan, waxaana hadda degan jawiga goobihii lagu dagaallamay.
Ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa maanta gobolka Shabeelaha Dhexe ku weeraray ciidamada Burundi, waxaana la waramayaa in khasaare kala duwan la gaarsiiyay shisheeyahaas. Weerarka ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhaxaysa Balcad iyo Gololey, halkaasoo lagu helay kolonyo ciidamada Burundi ah.
Askarta Burundi ayaa halkaa ka waday hawllo ay ku xaalufinayeen dhirta iyo beeraha ku yaalla hareeraha wadooyinka, waxaana iyagoo shaqadaasi ku jira qabsaday mowjado weerarro ah oo uga yimid milatariga Xarakada Al-Shabaab.
Ciidamada Burundi ayaa waxaa gaaray khasaare lixaad leh oo isugu jira dhimasho, dhaawac, burbur hantiyeed iyo saanad laga furtay sida uu saxaafaddu kasoo xigatay taliska ciidanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Al-Shabaab waxay sheegeen in Burundiga ay ka gubeen sadax gaadiid ah oo ay kamid yihiin kuwii ay dhirta ku jarayeen, sidoo kalana ka dileen ugu yaraan toban askari, ayna ka furteen saanad milatari oo kala cayn ah.
Shisheeyaha ayaa goobta uga cararay qaar kamid ah meydadkooda, waxaana intooda badan ay dib ugu laabteen xeradii ay kasoo bexeen oo aan sidaa uga fogeyn halka lagu dagaalamay, halka qaarkood ay ku firxadeen duurka iyagoo la baacsanayo.
Ciidamada Burundi ayaa muddo dhowr jeer ah lagu gumaaday gobolka Sh/dhexe xilli ay kamid yihiin ciidamada calooshood u shaqeystayaasha ah ee ay Mareykanka iyo Qaramada Midoobay soo kireysteen.