Qaraxa maanta duhurkii ciidamo katirsan kuwa Itoobiya lagula eegtay meel u dhow degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa waxaa laga helayaa faafahinno dheeri ah oo ku aadan khasaaraha.
Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay oo aan soo xiganeyno ayaa noo xaqiijiyay in khasaaraha gaaray ciidamada Itoobiya uu marayo ugu yaraan 10 askari oo noqday dhimasho iyo dhaawac kuwaasoo ay ku jiraan saraakiil Itoobiyaan ah oo qaabilsanaa miino baarista.
Qaraxan ayaa waxaa lala beegsaday gaari nooca ciidamada xambaara ah oo ay saarnaayeen askartan.
Askarta Itoobiyaanka ee la qarxiyay ayaa kasoo laabtay deegaanka Yurkud ee gobolka Bay, halkaasoo dhawaan ay geeyeen sahay ciidan, waxaana la qarxiyay markii ay kasoo laabteen oo ay ku dhawaayeen degmada Luuq ee gobolka Gedo.
Xarakada Al-Shabaab ayaa ciidamada Itoobiyaanka ku beegsanaya goobaha ay duulaanka kaga joogaan gobollada Soomaaliya, ciidamo Itoobiyaanka ayaana inta badan la kulma weeraro kala duwan oo khasaare u geysta.
Ciidamada Itoobiyaanka iyo shisheeyaha kale ayaa waxaa ku adag iney isku socdaalaan oo ay sahayda is gaarsiiyaan.
Horraantii todobaadkan ayay ahayd markii guutada madaafiicda ee Xarakada Al-Shabaab ay duqeeyeen ciidamada Itoobiya ee heysta degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo, gaar ahaan qeybtooda ku sugan duleedka degmada.