Aqoonyahan jooga Muqdisho oo la yiraahdo Maxamed Xassan ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho ay ka jirto dhibaayo badan oo dhanka isu socodka ah maadaama ciidamada dowladda Federalka ah iyo kuwa shisheeye xirteen wadooyinka intooda badan.
Wuxuu si qota dheer uga hadlay dhibaatooyinka jidadka xiranu sababta u yihiin asigoo tilamaamay in qarka loo saaran yahay in gaadiidka caasimadda yaal dibadda loo dhoofiyo maxaa yeelay buu yiri “waxaan la arag wadooyin lagu kaxeeyo”.
Intaa wuxuu ku daray in Shidaalkii hoos u dhacay waayo, gaadiidleydii gadan lahayd qaarkood ayaa gawaarida iska xareeyay.
Waxa kaloo uu sheegay in caasimadda ay ku soo badatay in hablaha la afduubo gaar ahaan kuwa da’da yar ka dib-na loo geeyo ciidamada Shisheeye.
Sida uu sheegay tiih iyo tabaalo baahsan ayaa ka jira Muqdisho waxayna habluhu ku umulayaan wadooyinka maadaama jidadkii isbitaalada loo mari lahaa xiran yihiin.
Shalay waxaa magaalada Muqdisho shir ku qabtay odayaal dhaqameedyo iyo dad kale oo dhallinyaro iyo qurba joog hore isuhu jira kuwaasoo xildhibaanada qaar u gudbiyay cabasho ku aaddan arrintan.
DF, ayaa xirnaanshaha wadooyinka u sababeeyay iney ku sugayaan ammaanka islamarkaana ay kaga hor tagayaan weerarada xarumahooda lagu qaado ee kaga yimaada dhanka Al-Shabaab, balse waxaa muuqanaya ineysan wax ammaan ah ku xaqiijin marba haddii todobaad kasta ay weeraradu ka dhacayaan meelaha halbowlayaasha ah.
Isniintii todobaadkaan ayay ahayd markii weerar toos ah Xarakada Al-Shabaab ku qaaday ciidamo joogay Koontarool u dhaw Saybiyaano oo Muqdisho ka tirsan laguana dilay 9 isugu jira askar iyo saraakiil, 25 kalena lagu dhaawacay.
Halkaan ka dhegeyso wareysi maxamed xasan oo muqdisho jooga sax