HomeAll newsAl-Shabaab oo Weeraray Xabashida Heysata Halgan.

Al-Shabaab oo Weeraray Xabashida Heysata Halgan.

Ciidamo ka tirsan Milatariga Xarakada Al-Shabaab oo aad u hubeysan ayaa xalay weerar saf ballaaran ah ku qaaday askarta Xabashida ee heysata degaanka Halgan iyadoo uu weerarku in muddo ah socday.

Tuulooyinka iyo degaanada u dhow Halgan ayaa waxaa si aad ah looga maqlayay hugunka madaafiicda iyo daryanka rasaasta la isku adeegsanayay.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa warbaahinya islaamiga ah ee Al-furqaan u sheegay in khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu soo gaaray Xabashida.

Ilo kale oo ku sugan Halgan balse magacooda iyo codkoodaba codsaday inaan la baahin sababo ammaan awgood ayaa sheegay iney weerarkan ku dhaawacmeen sadax Itoobiyaan ah.

Dhowrkii todobaad ee lasoo dhaafay ayaa waxaa soo badanayay weerarada ay Mujaahidiinta ku qaadayaan fariisimaha Xabashida ee degaanka Halgan.

Ciidanka Xabashida ayaa waxaa dagaalan u dheer niyad jab weyn maadaama ay xaaladda dalkooda qasan tahay islamarkaana qowmiyaduha intooda badan diidan yihiin xukuumadda Abeey.

RELATED ARTICLES

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular