Qarax culus ayaa lala eegtay ciidamo katirsan kuwa dowladda federaalka ee Shisheeyaha ku wehlinaya duulaankooda Soomaaliya.
Waxa uu ka dhacay qaraxa inta u dhexeysa deegaanka Nambar 60 iyo Bariire, iyadoona lala helay gaari cabdi bile ah oo ay saarnaayeen askar katirsan kuwa dowladda.
Ugu yaraan 5 askari oo katirsan ciidamada dowladda ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxa, kaas oo masuuliyadiisu ka dambeyso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Ciidamada dowladda ee ku sugan Shabeellaha hoose ayaa wajahay weeraro joogta ah oo uga imaanaya dhinaca ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab.