HomeAll news40 Askari oo ay Ameerikaan ku jiraan oo lagu dilay Afqaanistaan.

40 Askari oo ay Ameerikaan ku jiraan oo lagu dilay Afqaanistaan.

Wararka ka imaanaya wadanka Afqaanistaan ayaa ku waramaya in ciidamada Imaarada islaamiga ay ku guuleysteen iney dilaan tiro ciidamo Ameerikaan ah iyo askar katirsan kuwa xukuumadda Kaabul.

Weerar kamiin ah ayaa ka dhacay deegaan hoosyimaada degmada Aabkamri ee wilaayada Baadqiis, waxaana loo dhigay ciidamo Maraykan ah oo ay wehlinayeen kuwa kumaandoska xukuumadda Kaabul.

Askartan ayaa xilliga kamiinka loo dhigayay waxay soo qaadeen weerar habeen guureyn ah, kaas oo ay ku waxyeeleynayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Ciidamada huwanta ayaa kamiinka ku dhacay xilli aysan filaneynin, waxaana goobta la dhigay meydadka inkabadan 40 askari oo isuga jira Maraykan iyo kuwa xukuumadda Kaabul.

Afhayeenka Imaarada Qaari Muxamad Yuusuf Axmadi oo war kooban soo saaray wuxuu sheegay in goobta ay ku dileen 39 askari oo katirsan kuwa kumaandooska iyo 4 kale oo Ameerikaan ah.

Waxaa intaa dheer in nolosha lagu qabtay ugu yaraan 16 askari oo katirsan kuwa xukuumadda Kaabul, iyadoona meydadkooda ay kaga carareen halkii lagu dagaallamay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular