Maamulka islaamiga ah ee Shabeelaha hoose ayaa degaanka Kuunyo-barrow ka hir galiyay ol’ole lagula dagaalamayo kaneecada.
Ol’olahan oo uu ku baxay dhaqaale iyo juhdi ayaa si hab sami leh uga socda degaanka, waxaana loo xil saaray koox u tababaran oo qalabkoodu u dhammeystiran yahay.
Maamulka ayaa inoo sheegay in ol’olahan horay looga soo fuliyay dhowr degaan islamarkaana lagu guuleystay hadafkii laga lahaa oo ah in kaneecada lala diriro.