Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ayaa weerar ku qaaday ciidamada maamulka Jubbaland ee ku sugan deegaanka Baar-sanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo.
Weerarkan ayaa yimid kagadaal markii ciidamada Jubbaland ay sameeyeen dhaq-dhaqaaq ciidan oo ay kaga soo baxeen saldhigooda, waxaana markaas kadib qabsaday dagaal adag.
Ciidanka ayaa lagu qasbay iney ku cararaan saldhigyadooda, waxaana laga dilay 1 askari, halka 13 kalana ay dhaawacyo gaareen.
Sidoo kale qarax culus ayaa ciidamo katirsan dowladda waxaa lagula eegtay inta u dhexeysa deegaannada Nambar 50 iyo Nambar 60, waxaana qaraxu burburiyay gaari nooca Cabdi bile ah.
Ciidamada saarnaa gaariga la qarxiyay ayaa dhimasho iyo dhaawac noqday.