HomeAll newsTaliyihii Police-ka Hiiraan Oo Beledweyne lagu dilay.

Taliyihii Police-ka Hiiraan Oo Beledweyne lagu dilay.

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa ka dhacay dagaal dhexmaray ciidamo kala hoostaga gudoomiyihii xilka laga qaaday ee Yuusuf Dabageed iyo kan uu soo magacaabay Maxamad Cabdi Waare.

Iska hor imaadka dhexmaray labada ciidan waxaa ka dhashey khasaare kala gaaray labada dhinac, waxaana dadka lagu dilay kamid ah gaashaanle dhexe Maxamad Macow oo ahaa taliyaha Police-ka gobolka Hiiraan.

Waxaa sidoo kale dagaalka ku dhaawacmey taliyaha Police-ka ee magaalada Baladweyne Bashiir Caddaani.

Xiisad ayaa hadda ka taagan Baladweyne, waxaana labada ciidan suurta gal ah in daqiiqad kasta ay isku billaabaan dagaalka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular