HomeAll newsShil Khasaare Dhaliyay oo Ka Dhacay Gobolka Qorraxay.

Shil Khasaare Dhaliyay oo Ka Dhacay Gobolka Qorraxay.

Wararka ka imaanaya dhulka Soomaali Galbeed ee ay Xabashidu gumeysiga ku heysato ayaa waxay sheegayaan in shil gaari oo ka dhacay magaalo hoos timaada gobolkaas, kaasoo sababay khasaare soo gaaray inta badan dadkii rakaabka ahaa.

Gaari weyn oo Bas ah islamarkaana kasoo baxay Qabridaharre kuna sii jeeday Jigjiga ayaa xilli uu marayay magaalada Shaygoos wadada ka baxay isagoo madaxa ku dhufsaday dhisme ganacsi.

Inkastoo aaney dad ku dhiman shilkan ayaa waxaa haddana ku dhaawacmay tobaneeyo qof oo ah dadkii gaariga saarnaa. Dad degaan ah ayaa waxay sheegeen in dadka dhaawacmay ay intooda badan xubnaha ka jajabeen, loona qaaday Isbital.

Sidoo kale dhismihii uu gaariga ku dhacay ayaa waxaa soo gaaray bulbur. Shilalka noocan ah ayaa aad ugu soo badanaya dhulka Soomaaliyeed ee ay Xabashidu heysato waxaana ugu wacan shuruucda adag ee gaadiidleyda la hor dhigay iyo wadooyinka oo aan si nidaamsan u dhisnayn.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular