HomeAll newsSarkaal katirsan Sirdoonka Galmudug Oo Gaalkacyo Lagu dilay.

Sarkaal katirsan Sirdoonka Galmudug Oo Gaalkacyo Lagu dilay.

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa lagu dilay sarkaal sare oo katirsan Sirdoonka maamulka Galmudug, kaas oo xalay lagu toogtay mid kamid ah xaafadaha magaalada.

Sarkaalka la toogtay waxaa lagu magacaabaa Cali Dhiif, waxaana uu kamid ahaa saraakiisha caanka ah ee la shaqeeya nabadsugidda maamulka Galmudug.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka sarkaalkan, waxaana Col Cali Dhiif uu ku lug lahaa dagaallo sanadkii 2016-ka ka dhacay deegaannada Garracad iyo Suuj oo dhexmaray Mujaahidiinta iyo maamullada Puntland iyo Galmudug.

Dilka sarkaalka kadib, ciidamada maamulka Galmudug ayaa Gaalkacyo ka geystay xasuuq arxan darro ah oo ay ku gumaadeen dad shacab ah.

Ugu yaraan 9 ruux oo shacab ah ayaa la xaqiijiyay in ciiidamada Galmudug ay dileen, waxyar kadib markii la dilay sarkaalkooda  Cali Dhiif.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular