
Gudoomiyahaasha Mudug iyo Hiiraan, qeybta maamullada Hirshabelle iyo Galmudug ayaa si toos ah u qaadacay xil ka qaadis lagu sameeyay shalay iyo dorraad.
Yuusuf Axmad Hagar (Yuusuf Dabageed) ayaa waxa uu si toos ah gaashaanka ugu daruuray wareegto xilka looga qaaday oo kasoo baxday Maxamad Cabdi Waare oo ah hogaamiyaha maamulka Hirshabelle.
Xil ka qaadista Dabageed ayaa timid ka dib markii isaga iyo Waare ay isku khilaafeen lacaga canshuuraha ee laga qaado bulshada magaalada Baladweyne.
Dabageed ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Baladweyne ku sheegay in xil ka qaadista lagu sameeyay ay tahay sharci darro, isagoo dhanka kale u goodiyay maamulka H/shabelle.
Sidoo kale Cabdi Rashiid Xaashi Cartan oo ahaa gudoomiyihii Mudug ee maamulka Galmudug ayaa isna qaadacay xil ka qaadis lagu sameeyay maalintii shalay.

Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Gaalkacyo Koofurteeda ayaa waxa uu ku sheegay in aan xil ka qaadistiisa loo marin dariiq sax ah oo wuxuu ku dooday inuu ka arkay baraha bulshada ku xiriidho ee Internetka.
DF, iyo maamul goboleedyada ayaa waxaa aad ugu badan is qabqabsiyada noocan ah waxaana ay dadka siyaasiyiinta ah u aaneynayaan iyadoo aanu jirin sharci rasmi ah oo kala haga.
Maamuladan ayaanan ku dhaqmin sharciga islaamka, badalkiisana waxaa xukun u ah dastuur, isagoo dastuur ahaa, haddana qabyo sii ah!