Saacadihii lasoo dhaafay, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weeraro kala duwan ka fuliyay dhulka NFD ee ku jira gumeysiga dowladda Kenya.
Qarax xoogan ayaa gaari ciidan oo ay saarnaayeen Askar Police Kenyaati ah waxaa lagula eegtay inta u dhexeysa qorod Xareer iyo Koton oo dhammaantood katirsan gobolka Wajeer.
Ugu yaraan 10 askari Kenyaati ah ayaa ku dhintay qaraxan, walow warbaahinta qaar ay sheegayaan in dhimashadu ay tahay 12 askari, gebi ahaanna gaariga ayaa burburay.
War kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in howlgalkaas ay ciidamadooda kusoo furteen ugu yaraan 9 qori oo ay wateen ciidamada Kenyaatiga ee la weeraray.
Sidoo kale, ciidamada Al-Shabaab waxay weerar ku qaadeen deegaan lagu magacaabo Booja Garas oo hoostagta Wajeer, halkaasna waxaa lagu dilay hal askari Kenyaan ah, deegaankana waxaa si buuxda ula wareegay ciidamada Mujaahidiinta oo dadka u muxaadareeyey.
Howlgal kale oo qarax ah ayaa ka dhacay deegaanka Sheekh Barrow oo hoostagta Mandheera, waxaana qaraxaas lagu gubay gaari nooca booyadda ah.
Deegaanka Falama oo hoostaga Mandheera ayaa sidoo kale kamid ah meelaha ay ciidamada Al-Shabaab weerareen, waxaana gebi ahaan la wareegay ciidamada Mujaahidiinta, kadib markii ay ka carareen kuwa Kenyaatiga.
Waxaa muuqaneysa in awooda ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay kusii xoogeysaneyso dhulka ku jira gumeysiga Kenya ee NFD.