HomeAll newsDadka kunool Soomaali-galbeed oo ka cabanaya dhibaatooyin.

Dadka kunool Soomaali-galbeed oo ka cabanaya dhibaatooyin.

Haweenka ku dhaqan gobolka Doollo ayaa si weyn uga cabanaya dhibaatooyin ay ku qabaan ciidamada Itoobiya ee Liyu Boliska.

Haweenkan oo qeyb ka ah dadka dibad baxyada ka wada Wardheer oo kamid ah magaalooyinka ugu caansan dhulka Soomaaliyeed ee Xabashidu heysato ayaa sidoo kale kasoo hor jeeda in Itoobiyaan lagu degaameeyo dhulkaas.

Waxay si gaar ah u eedeeyeen Mustaf Cagjar oo ah ninka Itoobiya uga wakiilka ah dhulka Soomaaliyeed ee ay xoogga ku heysato.

Maalmihii lasoo dhaafayba waxay dibad baxyo xooggani ka socdeen Wardheer kuwaasoo lagu diidan yahay dad Itoobiyaan ah oo la doonayo in dhulkaas lagu degaameeyo iyo tacadiyada joogtada ah ee ciidanka Liyu Bolis.

(https://canablue.com/)

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular