HomeAll newsAl-Shabaab oo la wareegay deegaan katirsan NFD.

Al-Shabaab oo la wareegay deegaan katirsan NFD.

Wararka ka imaanaya dhulka NFD ee ay heysato dowladda Kenya ayaa ku waramaya in ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay la wareegeen gacan ku heynta deegaan muhiim ah.

Deegaanka Kontonka oo hoostaga magaalada Wajeer ee NFD ayay la wareegeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Askar nool oo Kenyaati ah, kana tirsan qeybta Police-ka ayaa u gacan galay ciidamada Mujaahidiinta, waxaana Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay xaqiijisay arinkaas.

Lama helin faafaahin intan kabadan oo ku aadan weerarka ay fuliyeen ciidamada Xarakada Al-Shabaab ee ka dagaallama gudaha dhulka NFD iyo saaxilka ee ay leeyihiin dadka muslimiinta ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular