HomeAll newsAala-Sucuud oo saddex maalmood lagu amray inuu kaga guuro gobol kamid ah...

Aala-Sucuud oo saddex maalmood lagu amray inuu kaga guuro gobol kamid ah Yaman.

Al-muhra oo kamid ah gobol kamid ah wadanka Yaman, islamarkaana xiga dhanka xuduud beenaadka Yaman iyo Cummaan, ayaa dadka degan waxay ciidamada maamulka Aala-sucuud u qabteen in muda saddex maalmood ah uga guuraan guud ahaan gobolka.

Odayaasha dhaqanka iyo dadka hormuudka u ah bulshada ayaa sheegay iney qaati ka taaganyihiin hab dhaqanka ciidamada maamulka Aala-sucuud oo ay ku tilmaameen iney tahay boqortooyo gumeysi ah, iyagoona sheegay iney doonayaan iney dhulkooda uga baxaan.

Bayaan kasoo baxay dadka degan gobolka Al-muhra ayaa lagu sheegay in 72 saacadood ay u qabteen cidiamadan iney uga guuraan guud ahaan gobolka Al-muhra, haddiii ay taasi dhici weysana ay dagaal diyaar u yihiin.

Ciidamada maamulka Aala-sucud ayaa saldhigyo iyo baro kontrool oo hor leh ka sameysanaya degmada Xowf iyo marinka Siirfiit oo isku xira dalalka Yaman iyo Cummaan.

Masuul u hadlay dadka gobolka ayaa sheegay iney diyaar u yihiin iney difaacaan dhulkooda iyo naftooda, haddii ciidamada maamulka Aala-sucuud uga bixi waayaan gobolka Al-muhra waqtiga loo qabtay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular