
Gobolka Shabeellaha dhexe, waxaa ka dhacay dagaal culus oo dhexmaray ciidama katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa dowladda federaalka.
Dagaalka ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Yaaqle oo u dhow magaalada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe, waxaana khasaare adag lagu gaarsiiyay ciidamada dowladda.
Abaanduulihii Guutada Labaad ee ciidamada dowladda Gaashaanlle dhexe Cali Cariif ahaana ku simihii taliyaha guutada labaad ayaa lagu dilay dagaalka, waxaana dhaawac halis ah uu gaaray Ku xigeenkiisi oo magaciisa lagusoo gaabiyay C/Kariim Hilowle.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa shaaca ka qaaday in dagaalkan ay ku dishey 11 askari oo ay saraakiil sar sare ku jiraan, dhanka kalana ku gubtay ugu yaraan 3 gaari oo noocyada dagaalka ah.
Shabeellaha dhexe waxaa marar badan ka dhacay dagaallo khasaare adag lagu gaarsiiyay dowladda federaalka, waxaana khasaarihii maanta gaaray dowladda lagu tiriniyaa mid kamid ah waxyeellada ugu culus ee dowladda dhawaanahan la gaarsiiyo.