HomeAll newsAskari Lagu dilay magaalada Muqdisho.

Askari Lagu dilay magaalada Muqdisho.

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxaa lagu dilay askari katirsan ciidamada dowladda federaalka, sida ay sheegayaan Goobjoogayaal la hadlay Al-Furqaan.

Degmada Waaberi ee gobolka Banaadir ayuu ka dhacay dilka askarigan, waxaana raggii dilka geystay ay ka baxsadeen goobta iyadoo ay la kulmin wax iska caabin ah.

Askariga la dilay waxa uu caan ka ahaa xaafadaha degmada Waaberi oo uu dadka ku dhibaateyn jiray,  waxaana dilkiisa soo dhaweeyay dadka degmada.

Howlgallada ka dhacaya magaalada Muqdisho ayaa sii xoogeysanaya maalinba maalinta ka dambeysa, waxaana Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay dardar gelisay ugaarsiga ay ku heyso ciidamada iyo xubnaha dowladda federaalka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular