Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan qeybo kamid ah gobolka Hiiraan ayaa lala eegtay qarax xoogan, kaas oo geystay khasaare ba’an oo gaaray ciidamada Itoobiya.
Qaraxa waxaa uu ka dhacay degmada Halgan ee gobolka Hiiraan, waxaana lala eegtay ciidamo Itoobiyaan ah xilli ay ku uruursanaayeen bar isku imaati anh.
Ugu yaraan 9 askari oo Itoobiyaan ah ayaa dhimasho iyo dhaawac noqday, waxaana Itoobiyaanku xanibeen isku socodka dadka, si aan loo arkin waxyeellada gaartay.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxan askarta badan lagu laayay, ee ka dhacay Halgan oo kamid ah meelaha ay Itoobiyaanku ka joogaan wilaayada islaamiga ee Hiiraan.
Afqashuushle xabashiya shabaab qiiq makaga keenay
Waraabaha qatani saw macunin qaarna macan tuugin
Sidii harag qombobay saw manoqon qurun wayaa niisa
Qawlkiyo jibaad kii kabaxay qaaradaha gaadhye
Qeerin markale saw mabarin waa qadhicileeye